U bood dhigaalka

Taliyeyaasha Ciidamada Oo Gaarey Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow gaaray caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya si ay halkaasi uga hirgeliyaan talaabo la isku dhafayo ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa qaranka.

Taliyeyaasha waxaa ka mid ah: Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal  Daahir Aadan Cilmi, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Bashiir Ameeriko, taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Goobe, taliyaha hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle sare Maxamed Aaden  Koofi iyo saraakiil sare sare oo ka tirsan hey’ada nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Waxaa Dhuusamareeb ku sugan ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, isaga ayaana sheegay in la isku dhafayo labada ciidan.

Goobjoog News