U bood dhigaalka

Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga ee Soomaaliya iyo Masar oo Kulan Taariikhi ah Yeeshay, Kana Hadlay Arrimaha Gobolka

Sheeko:Dalka

Waxaa daqiiqado ka hor magaalada Qaahira ku kulmay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmad iyo dhigiisa dalka Masar Lieutenant General Maxamud Xijaasi.

Kulanka ayaa yimid kadib  booqasho dhowr maalin qaadan doonta uu  halkaas ku tagay taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmad.

Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmad ayaa loo sameeyay soo dhaweyn rasmi ah kadibna waxaa uu la kulmay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Masar, iyagoo kulankooda uu ka dhacay wasaaradda Gashaandhigga.

Soo dhaweynta kadib, waxaa ay labadaba dhinac yeesheen kulan looga hadlay xiriirka labada dal, caqabadaha ka jira gobolka, iskaashiga Militari ee labada dal iyo sidii tababar loo siin lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Lieutenant General Maxamud Xijaasi ayaa goobta ka sheegay taariikhda xiriirka labada dal iyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay istaraatiijiyad ahaan gobolka.

Maxamud Xijaasi waxaa uu soo qaatay meesha ay ku taallo Soomaaliya iyo marin biyoodkeeda iyo ahmiyadda ay Masar u leedahay Soomaaliya.

Dhankiisa Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmad, Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliyeed waxaa uu  amaanay kaalinta Masar ee Taariikhiga ah iyo sida Masar u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidankooda.

Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliyeed waxaa soo qaatay in Masar ay gacan ka siin karto Soomaaliya arrimaha nabadda iyo horumarka.

September 3, 2015: Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha ciidanka xoogga dalka waxaana dood dheer kadib, goluhu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Goobjoog News