U bood dhigaalka

Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo Iscasilay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta si lama filaan ah isku casilay taliyihii ciidamada ilaalada Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, taliyaha ayaana saxaafada la wadaagin sababta keentay inuu baneeyo xilkii Taliyanimo.

Taliyahaa ayaa qoraal kooban uu ku xusay inuu shaqada ka tagayo oo lagu lifaaqay iscasilaadiisa ayaa waxuu  u gudbiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni.

Taliyaha qoraalka uu u gudiyey madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inaan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa taliye Barkhad.

G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay xilka taliyaha madaxtooyada 2-dii bishii Maarso 2019-ka  waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah.

Goobjoog News