U bood dhigaalka

Taliyihii ciidamada Uganda ee AMISOM oo maxkamad lasoo taagay Kampala

Sheeko:Dalka

Col Benson OlanyaCol. Benson Olanya oo horey u ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ee ka tirsan oo maxkamad militari lasoo taagay dalkaasi ayaa ka hadlay eedeymo loo heysto taasi oo ku saabsan shidaal dhan 720 liitar oo uu leexsaday,kana iibsaday suuqa madoow sida uu maanta faafiyey wargeyska New Vision ee Kampala kasoo baxay.

Ninkani oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa biiniyey eedeymaha loosoo jeediyey, wuxuuna sharaxay sida uu shidaalka ku baxay.

Isaga oo qiraal siinayay maxkamadda oo uu guddoominayay Jeneraal Levi Karunhanga ayuu korneelna sheegey in shidaalka lagu eedeynayo in uu leexsaday uu yahay shidaal uu siiyey ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaal la galayay, islamarkaasina uu shidaalkii ka dhamaaday.

“Taliye run ma ahan in aan iibsaday shidaal, waxaan hawlgal wada qaadnay SNA (Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya) 28-dii bishi Luuliyo 2013-kii, waxayna naga codsadeen shidaal si ay ciidamadooda furunta u keenaan, waxaan siiyey 300 litir oo shidaal ah si hawlgalkaasi u fulo” ayuu yiri Olonya.

Waxa kale oo uu sheegey in qof shacab ah oo Soomaali ah uu 420 liitar oo shidaal ah kaga badashay matoor-ka korontada kadib markii matoorkii ciidamadooda uu halaabay, isaga oo talaabadaasi kala tashtay ciidamada taliyihiisa ka sareeya.

Sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha oo maxkamadda keeney illaa 7 marqaati , taliyahani ayaa askartiisa ku amray in ay hub ka iibiyaan dad Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa halkeeda kasii socota, iyada oo dib loogu dhigey 17-ka bishan.

Goobjoog News