U bood dhigaalka

Taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo Qarax Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Qarax ka dhacay duleedka deegaanka Basra ayaa waxaa ku geeriyooday taliyihii ciidanka boliiska Gobolka Banaadir  Farxaan Maxamuud Aadan, kadib markii lala eegtay qarax miino, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Taliyaha ayaa la sheegay in qaraxa uu la kulmay xilli uu ka dagay gaarigiisa, waxaana wararku ay sheegayaan inuu ku istaagay miino ku aasneyd dhulka, kadib markii ciidanka Booliiska gaar ah ay la wareegeen deegaannadaas.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale wax ku noqday qaar kamid ah ilaaladiisa iyo taliyeyaal la socday marxuumka, iyadoo Wariye ka tirsanaa warbaahinta qaranka uu kamid ahaa dadka ku geeriyooday qaraxa lala eegtaytaliye Farxaan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Taliye Faraxaan, waxaana dilkiisa uu i maanayaa iyadoo saakay waabarigii ciidan uu hoggaaminaayey ay la wareegeen deegaanno hoos taga Basra oo Al-shabaab ay ku sugnaayeen.

Goobjoog News