U bood dhigaalka

Taliyihii Saldhigga Booliska Afgooye oo Qarax Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Taliyihii  Saldhigga ciidamada Booliska degmada Afgooye  ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay  qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu marayey wadada xiriirisa Muqdisho iyo  degmada Afgooye.

Taliye Cabdiqaadir Cismaan Mursal (Nuunow)  ayaa qaraxu haleelay  xili uu marayey deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daya in taliyaha ay la geeriyoodeen sedex askari oo karirsanaa ilaaladiisa, kuwaas oo saarnaa gaariga taliyaha uu la socday ee qaraxa lagu xiray.

Wadada  xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo loogu geystaa ciidamada iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News