U bood dhigaalka

Talyaaniga: Nin Soomaali Ah Oo Qaxootiga Dil iyo Kufsi U Geystay Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Sheeko:Dalka

Maxkamada ku taallo magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo magafe ahaa, kaas oo qaxootiga u socdo Yurub u geysan jiray dil, kufsi iyo jir-dil.

Cusmaan Maxamud, 22 jir ah ayey maxkamadda ku heshay in uu dad badan dilay, afduubtay iyo isla markaana uu madax furasho ka qaatay, waxaa kale uu kufsan jiray haweenka iyo gabdhaha yar-yar.

Nin ayaa la xukumay kadib 5 saac oo doodi ka socotay maxkamadda racfaanka ee Milan, sanad ka hor ayaa la xiray, waxaana ku marqaati-furay saaxiibadiisa.

Illaa 17 qof ayey maxkamadda ka dhageystay eedeymo iyo marqaati ku furay Cusmaan, waxaana la filayaa in uu 3-da sano ee ugu horeysay uu xabsiga ku qaato qol keligiisa ah.

Goobjoog News