U bood dhigaalka

Talyaaniga: Soomaali Daacish Ah Oo Kaniisado Weerari Rabay Maalmaha Kirismaska Oo La Xiray

Sheeko:Amniga

Muwaaddin Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 20 jir kaasoo qorsheynayey inuu weerarro argagixiso ka fuliyo kaniisado ku yaal dalka Talyaaniga ayaa lagu xiray gobolka Bari. Qarax ayaa la doonayey in lagu fuliyo kaniisado iyadoo qarax weyn lala damacsanaa in lagu weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro ee magaalada Rome iyadoo qorshuhu ahaa in maalmaha Kirishmaska la qaado weerarradaas. Caddeymo la helay oo lagu ogaaday qorshaha ninkaan ayaa keentay in si degdeg ah loo xiro Mohsin Ibrahim omar oo loo yaqaan Anas Khalil.

Xarigga 20 jirkaan Soomaaliga ah ee lagu xiray xabsi ku yaal gobolka Bari maalmihii ugu dambeeyey markii lagu helay dambiyo ah inuu aaminsan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah. Xaakinka maxkamadda gobolka Bari, Maria Teresa Romita ayaa soo gudbisay caddeymahaan 13kii bishan December.

Anas Khalil ayaa hay’adaha ammaanku u arkeen inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya xiriirna la leeyahay mid ka mid ah hawlwadeennada kooxda. Tani waa caddeymaha kasoo baxay Digos oo ah saldhigga Boliiska ee gobolka Bari.

Caddeymaha hay’adaha ammaanku heleen waxaa lagu sheegay in ay jiraan weerar aad u xun in lagu soo beegi rabo maalmaha ciidda Kirismaska iyadoo la weerarayo kaniisado iyo meelo ay u badan yihiin dadka Kirishtaanka ah.

Baareyaasha gacanta ku haysa muwaaddinkaan Soomaaliga ah ayaa sheegay iney baaritaan ku sameeyeen taleefankiisa iyagoo helay qalab badan oo laga shakisan yahay oo uu haystay 20 jirkaan waxayna intaas ku dareen in la helay sawirro carunta Vaticanka oo uu labaatan jirkaan kasoo dejiyey Internetka.

“Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay  11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari.

Subaxnimadii sabtida iyadoo uu la socdo qof difaacaya iyo turjubaan ayaa ninkan la tuhunsan yahay su’aalo lagu weydiiyey xabsiga ka horbaaritaanka xaakinka. Wuxuu ka jawaabayey su’aalaha illaa laba saacadood iyadoo xaakinka gobolka Bari ee isku-duwaha ka ah baaritaannada  Giuseppe Maralfa, uu sii xoojiyey aadeymaha la xiriira argagixisada.

Goobjoog News