U bood dhigaalka

Tanzania: Cabsi Laga Qabo In 200 oo Qof Ku Dhinteen Markab Marayey Lake Victoria

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo in 200 oo qof  ay ku dhinteen markab ku quusay badda yar ee “Lake Victoria”.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markabka ay saarnaayeen ilaa 400 oo qof, tiradaas oo ka badan inta loogu talo-galay.

In ka badan 100 qof ayaa sidoo kale lagu warramayaa in la bad-baadiyey, oo 32 ka mid ah ayey xaaladooda khatar ku jirto.

Dadka dhintay waxaa ku jira naaquudihii iyo shaqaalaha Markabka, waxaa kale oo la waayey qabalkii lagula socon lahaa khasaaraha.

Goobjoog News