U bood dhigaalka

 Tareenkii Ugu Horreyay Oo Ka Tagay Shiinaha Ayaa Gaaray London

Sheeko:Caalamka

Waxaa markii ugu horreysay si toos ah u tagay magaaalada London Train ka tagagay wadanka Shiinaha  waxa uuna ku sii jiray waddada 18 maalmood  tani waxay ka mid tahay dadaalada ay Shiinaha ugu gudo jiraan inay sameyaan waddo Train oo isku xirta London iyo Chiana.

Trianka ayaa waxa uu waday alaabta guryaha iyo dhar  waxa uuna ka ambabaxay magaalada Yewuu ee Chiana waxa una u socday magaalada Barkingi oo ku taallo bariga London  Trianka ayaa waxa uu sii maray waddamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ruushka , Holand iyo Yurubta Galbeed.

Trianka ayaa waxa uu socday safar dhan 11999 KM waxa uuna sii maray wadanka Faranciska iyo badda Maanshi.

Waa Triankii ugu horryay oo dheereeya sidana badeeco  una kala safro Qaaradaha Yurub iyo Aasia.

Goobjoog News