U bood dhigaalka

Tarsan: Doorashada Waqtigeeda Kuma Dhici Doonto

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, haatanna ah musharax madaxweyne ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya aysan dhici doonin waqtigii hadda loo asteeyey.

Waxa uu sheegay Tarsan in doorashada ay dib uga dhici doonto 28-ka bishan, ayna gaari doonto illaa bisha January dhammaadkeeda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Tarsan ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn ee dib u dhaca doorashooyinka ay tahay in madaxda dowladda oo raadinaya codad ay kusoo bixi karaan iyo sidoo kale xod xodasho dhanka xildhibaanada cusub ah.

“Ilama ahan doorashadan iney dhaceyso 28-ka bishan, sababtana waa sababihii Afar jeer oo hore dib ugu dhacday, meeshani dadka mas’uuliyiinta wadanka ka aha ayaa waxay raadinayeen sifo walba oo ay kusoo bixi lahaayeen, markii hore iyaga ayaa dib u ridayey oo waxay diidanaayeen shacabkaan in awoodda loo celiyo oo wax doorto, kadibna waxay isku mashquuliyeen in sharciyaddii baarlamaanka ay laalaan, waxay isku mashquuliyeen hadana in golihii wasiirada iney laalaan, waxay sameysteen madal wax la dhaho oo dastuurka meel ay uga taallo aan la ogeyn, guddiga doorashooyinka iyo guddiga khilaafka Labaduba waa aalad la adeegsado oo xafiiska madaxweynaha u shaqeynaya waaye, awaamirtana waxay toos uga qaataan xafiiskaas, sababta arrintaan u dhaceyn waqtigeeda waxa weeye tiradii ayaa la wadaa, waxaa la tirinayaa inta xildhibaan ee madaxweynaha gacantiisa ku jirta” ayuu yiri Tarsan.

Waxaa loo ballansan yahay in 28-ka bishan December 2016 ay dalka ka dhacdo doorashada madaxweynaha, walow ay jiraan siyaasiyiin kale oo muujinaya walaac ah dib u dhac mar kale ku yimaada waqtiga la qaban lahaa doorashadan.

Goobjoog News