U bood dhigaalka

Tarsan “Maamulka Gobolka Banaadir Waxaa Loo Dhiibay Mas’uuliyad Qaawan”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in aragti ahaan ay aad ula qaldan tahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo amniga magaalada Muqdisho, taasi oo uu ku micneeyay inay tahay mas’uuliyad qaawan oo aan awood la socon.

“Arrintaasi mid saxan ilama ahan, aad bay u qaab daran tahay sababtoo ah hay’adihii amniga loo xil saaray oo Dastuuriga ahaa in ay mas’uuliyaddii iska wareejiyaan oo ay ku wareejiyaan meel aan Dastuuri ahayn arrin qatar ah weeye, sababtoo ah waa nin mas’uuliyad loo dhiibay oo aan awood haysan bay noqoneysaa, mas’uuliyad qaawan oo aan awooddii la socon baa loo dhiibay, ciidamada had iyo jeer waxay awaamiirta ka qaataan nin garaado leh, weli ma fahamsana amar ka qaadashada nin aan garaado lahayn, marka hadii ay hay’addii Nabad sugidda ahayd u diyaarsaneyd, loo tababaray, dhaqaalahay haysatay, ciidanka haystay, hubka haysatay, intaas oo sano dhisneyd hadii ay maanta leedahay annaga mas’uuliyadaasi ma qaadi karno oo gobolka ha qaado, gobolka muxuu ku qaadi, muxuu howl ku fulin, waa mas’uuliyad la’iska leexinayo markii ay fashilaad badan dhacday ayaa ninkaan lagu wareejinayaa, waxaan uga digayaa gudoomiyaha gobolka inuusan arrintaasi ku degdegin, awood la’aan iyo mas’uuliyad lagu fashilayo inay noqoneyso ha u qaato, marka arrintaasi ma ahan mid sax ah oo Dastuuri ah” ayuu yiri Tarsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waa inay fahmaan, dowladdaan madaxweyne, gole wasiirro, Jeneraal kasta Milatari, Boolis ama Nabad sugid ha noqdee waxa ay shaqada ka qabtaan waa magaalada Muqdisho, meel kale oo ay wax ka qabtaan ma jirto, Puntland mas’uuliyadeeda kama saarna wasiir arrimaha gudaha, amniga, taliyaha Booliiska ama midka nabad sugidda, gobol walbo waa sidaasi, magaaladii ay ka wada shaqeyneen iyadaa ugu amni xun oo dadkii baa maalin walbo lagu leynayaa, awooddii baa la isku haystaa, waxaa la rabaa wax dedan oo mugdi ku jira qof loo raacana la aqoon inay dhacaan, war amniga Muqdisho yaa mas’uul ka ah hadii aad tiraahdo laguuma sheegi karo”  Tarsan ayaa hadalkiisa intaa ku daray.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Tarsan in NISA ay gacanta ku hayso amniga gobolka Banaadir, haatanna aysan sax ahayn in amniga lagu haleeyo maamulka gobolka Banaadir.

“NISA ammaanka Gobolka banaadir iyadaa haysata hadane waxaa la leeyahay gobolka bay ku wareejineysaa hade sax ma ahan, sababtoo ah NISA waxay rabtaa inay qaadato awood aan mas’uuliyad wadin, awooddii iyagaa haysana mas’uulna kama nihin inay dhahaan bay rabaan oo guddoomiyaha gobolkaa mas’uul ka ah, guddoomiyahii gobolkana waxaa la rabaa in loo dhiibo mas’uuliyad qaawan, arrintaasi waa mid qatar ah, shacabka Soomaaliyeed yeey berri la xisaabtamayaan, gobolka muxuu wax ku qaban ma ciidan buu leeyahay, dhaqaale miyuu haystaa, sirdoon miyuu leeyahay, marka waa arrin qatar ah shacabka isaga oo baylah ahaa ayaa baylah laga sii dhigayaa, waxay dowladda rabtaa inay tiraahdo amnigiinna mas’uul kama nihin”

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa mar uu ka hadlayey amniga faraha kasii baxaya ee Muqdisho ayuu sheegay in aanu jirin cid mas’uul ka ah amniga gobolka, sheegayna in dadkii dhan ay wada noqdeen siyaasiyiin.

“Amniga gobolka in faraha uu kasii baxo waxaa keenay qof mas’uul ka ah amniga gobolka ma jiro, dadkii dhammaa waxay wada noqdeen siyaasi, Jeneraalkii waa siyaasi, saraakiishii waa siyaasi, madaxweynaha ayeey saacad walbo dul taagan yihiin, wadankii waa iska beylahay, magaaladii waa baylah, meeshaan ciidan toos u wada dagaallaya ma jooga, meeshaan waxaa lagu dagaallamayaa sirdoonka, waxaa naga xooggan sirdoonka ay wataan qolodaan cadowga ah, mas’uuliyaddii baa faraha ka baxday cid lagula xisaabtamayo malahan”

Tarsan ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Federaalka ay xilligaan aad ugu mashquushay Hiigsiga 2016, taasina ay keentay in amnigii dalka uu faraha ka baxo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha Hay’adda nabad sugidda qaranka C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu mas’uul ka noqon doono amniga magaalada Muqdisho, islamarkaana hadii degmo ka mid ah magaalada ay dhibaato ka dhacdo su’aallo laga weydiin doono gudoomiyaha degmadaasi, illaa shaqsiga mas’uulka ka ah laanta degmadaasi.

Goobjoog News