U bood dhigaalka

Tarsan Oo Dowladda Ku Eedeeyay Waxqabad La’aan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guul dareysatay gaarsiinta siyaasadda dalka maqaam wanaagsan oo horay looga sii socon karo marka la gaaro isbedalka siyaasadeed ee uu dalka galayo dhammaadka sanadkan.

Tarsan ayaa sheegay in madaxda hadda talada dalka haysa inaysan ku fikirin sidii siyaasadda dalka loo hagaajin lahaa balse taa bedalkeeda waxa uu tilmaamay in xubanahan xilka ka haya dowladda inay ku fikiraan sidii ay mar kale dib ugu soo laaban lahaayeen oo kaliya.

“Waxaa faah faahin yar u baahan wadankani xaaladda uu marayo iyo meesha uu ka yimid, waxaana muuqata xukuumadda hadda jirta ama dowladda hadda jirta Afartii Sano ee xukunka haysay in aysan wax yar adeeg ah bulshada u qaban, balse ay ku mashquulsaneyd oo waqtigii ku lumisay sidii ay kusoo noqon lahayd Afar Sano oo kale, arrintaasi waxay abuureysaa qatar, bulshada Soomaaliyeed oo illowday dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalkii sokeeye ayeey dib u xusuusineysaa waxayna abuureysaa dagaal cusub oo bulshada dhexmara, balse bulshada iska daayee waxay abuureysaa qabiillada hoose iyo jufooyinka hoose marka la isku dayo in laga soo xusho xildhibaanka iyaga ay rabaan in jufadii qudheeda ay dagaal ka dhex dhasho oo Labo ilmo adeero ah is disho ayaa imaanaysa” ayuu yiri Tarsan.

Dhinaca kale Tarsan ayaa ka hadlay maadaama dalka aanay doorasho qof iyo cod in ay ka dhacdo aysan suurta gal noqon ayaa Tarsan waxa uu tilmaamay in madax dhaqameedyada Soomaaliyeed laga doonayo inaysan soo xulin shaqsi ku yimaada nin jeclaysi.

“Waxaan uga digeynaa Oday dhaqameedyada in aan laga dhex ugaarsan oo laga dhex kalluumeysan beeshoodii oo laga soo xulan qof magac u yaal ah ee mabaadi iyo fikir uusan kala dhaxeyn beeshiisa laakiin qof shaqaale u ah dadkana u shaqeynaya oo dano gaar ah ka shaqeynaya aan laga soo dhex xulan” ayuu hadalkiisa ku daray Tarsan.

Hadalka Tarsan ayaa imaanaya xilli la filayo in sanadkan dhammaadkiisa ay dalka ka qabsoonto doorashada dadbadan maadaama dalka ay ka dhici weysay doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News