U bood dhigaalka

Tarsan: Turkiga Waxa Uu La’yahay Dowlad Kala Shaqeysa Mashaariicda Ay Dalka Ka Wadaan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga in wax badan ay ka qabatay adeegyada bulshada ee magaalada Muqdisho, balse ay la yihiin dowlad kala shaqeysa howlaha ay wadaan.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka gaabisay la shaqeynta Turkiga, islamarkaana loo baahan yahay oo kaliya dowlad si hagar la’aan ah ula shaqeysa.

“Waxaa la layahay hadda wax la shaqeeya Turkiga, waayo anaga hagar la’aan ayaan kula shaqeynay markii aan maamulka gobalka haynay, waxaan qarash ku bixinnay ilaaladooda iyo wax walba ay inooga baahdaan, iyagana si hufan ayeey wadooyinkii ku dhiseen, hadda hadii lala shaqeynayo maxaa loo la yahay in la dhiso guryahii la balan qaaday, Turkiga shaqo wanaagsan buu dalka ka qabtay, laakiin waa in lala shaqeeyaa” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in aysan jirin dowlad kale oo la tartami karta Turkiga marka loo eego wax ay qabteen iyo balan qaadyada ay sameeyeen.

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgelisay mashaariic badan oo ay ka mid tahay dhismaha wadooyin, Isbitaallo iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News