U bood dhigaalka

Tarsan: Wariyaasha Goobjoog Shuruur Ma Qaataan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay goor dhow munaasabadda Goobjoog ee sanadguurada 4-aad ayaa hambalyo u diray maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog.

Tarsan ayaa sheegay in wariyayaasha ka howlgala Goobjoog ay yihiin kuwo aan wax xujo ah ku xirin wararka ay siideynayaa marka loo eego waxa loo yaqaano shuruurka (Lacag siinta wariyaha) isaga oo tilmaamay inay sii deyso wararka shacabka u dan ah.

Waxa uu Goobjoog ku amaanay dadaalka badan ee ay ku bixineyso sare u qaadidda tayada shaqaalaheeda iyo shaqadeeda.

Idaacadaha kale ee dalka ka jira ayuu kula dardaarmay inay ku daydaan Idaacadda Goobjoog.

Goobjoog News