U bood dhigaalka

Tartan Aqooneedka Kedis oo Maanta Furmay iyo 4 Dugsi oo Isku Arkay.

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho bilowday   tartan aqooneedkii Kedis ee Idaacadda Goobjoog   kulankii  1-aad wareegii  kowaad  kaas oo ay ku tartamayeen dugsiyada kala ah   Al- abaadir iyo  Muzamil iyo Anas Bin Maalik iyo Al –nujuum.

Kulankii hore waxa uu dhexmaray  Al-abaadir  iyo Muzamil  waxa ay guushu raacday  dugsiga al-muzamil   oo ku guulaystay  14 dhibcood   halka dugsiga  Al – abaadirna uu helay 6 dhibcood sidaas waxaa wareega  labaad  u soo wareegay  dugsiga  Muzamil

Kulankii labaad waxa uu dhexmaray  labada dugsi  Anas Bin  Maalik  iyo  Al- nujuum  waxa ay  guusha raacday dugsiga  Anas Bin Maalik oo  helay  8 dhibcood halka  Al- Nujuumna uu  helay  4 dhibcood    waxaana  wareega labaad u soo gudbay  dugsiga  Anas Bin malik

Tartan waxaa taaba gelinaya  jaamacadda SIMAD   waxaana  tabinaya  idaacadda Goobjoog  iyo Maandeeq.