U bood dhigaalka

Tartan Ciyaareed Lagu Xusayay Allaha Unaxriistee Duqii hore Muqdisho Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Degmada Dharkenlay

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed ayaa soo xirtay Tartan Ciyaareed Kubbadfa Cagta ah oo lagu xusayay Allaha Unaxriistee Duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow),kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Degmada Dharkeenley isla markaana ay ka qeyb-galayeen 8 Kooxood oo ka dhisan Waaxyaha Degmada Degmada Dharkelnay.

Kulan Cayaareedkii ugu danbeeyay ee Tartankaan oo ay ku kulmeen kooxaha Baastuluss iyo Suuq-yare ayaa waxaa daawashadiisa ka qeyb-galay Madaxda Heer Gobol, Degmo iyo shacab fara badan,iyadoona Kooxda Suuq-yare ee ka dhisan degmada Dharkenlay ay ku guuleysteen Koobkii lagu maamuysay duqii hore caasimada Muqdisho ahaana guddooomiyihii hore Gobolka Banaadir Eng.Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow).

Halka Eeg Sawirada Kulankii Kama Dambeysta Tartankii Lagu Xusayay Eng.Yariisow  

 

Goobjoog News