U bood dhigaalka

Tartan Kubbadda Cagta Ah Oo Loo Furay Kooxaha Magaalada Baladweyne

Sheeko:Cayaaraha

Tartan kubadda cagta ah oo aay ka qeyb galayaan 8-koox oo ka kala socda Afarta xaafad ee magaalada Beledweyne ayeey ka furmay Garoonka kubadda cagta ee Laqanyo Stadium.

Guddoomiyaha Ururka kubbadda cagta Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Raaxoow iyo Guddoomiyaha Ururka kubbadda cagta Beledweyne Cabdicasiis Axmed Caddoow oo qabsoomidda iyo qaban qaabada tartankan iska kashanaya ayaa carabka ku dhuftay in ujeedka tartankan uu yahay is dhax galka bulshada iyo gobolka ay ka soo baxaan dhallinyaro tayo wanaagsan oo kaalin ka qaadan kara horomarka ciyaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Hirshabeelle iyo Madaxda Ururada Bulshada Rayidka Gobolka Hiiraan ayaa iyagana soo dhaweeyay qabsoomida ciyaarahan,waxayna sheegeyn in loo baahan yahay in horomariyo dhallinyarada iyo kooxaha ka dhisan Maamulka Hirshabeele.

Mayarka Beledweyne Nadar tabaax Maalin ayaa sheegtay in maamulkooda ay ka shaqeyn doono dib u dhiska garoonka kubbadda cagta Laqonyo oo muhiim u ah horomarka dhallinyarada Hirshabeele.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle Maxamed Cabdalla Cali ayaa sheegay intartamadan oo kale ay door wanaagsan ka qaadan karaan horomarka iyo is dhaxgalka bulshada labada gobol.

Tartankan loo qabtay kooxaha heerka koobaad ayaa socon doono muddo 18 maalin ah waxaana lixda koox ee wareega xiga usoo baxda loo aqoonsan doonaa heerka kowaad,halka labadii harta aay ku biiri doonaan kooxaha heerka labaad ee horyaalka kubbadda cagta Hirshabeele.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle