U bood dhigaalka

Tartanka Hirgelinta Heesaha oo Muqdisho lagu qabtay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho dhowr iyo Labaatan Sano ka dib waxaa xalay lagu qabtay Tartanka Hirgelinta heesaha oo uljeedkiisu ahaa in la soo saaro dhalinyaro dhinaca fanka ah maadaama waqti badan aan la helin da’yar dhanka fanka oo bedel wanaagsan u noqon kara fanaanintii hore oo qaarkood geeriyooday.

Tartankan hirgelinta heesha oo ay soo qabanqaabisay wasaarada warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Warfaafinta iyo ku xigeenkisa, fanaaniin iyo shacab aad ufara badan oo kakala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood.

Tartanka oo ay ka qeyb galeen ilaa iyo afar dhalinyaro oo mid ka mid ah Gabar tahay ayaa waxaa barbar socday heeso dhextaal ahaa oo ay ku luuqeynayeen qaar kamida kooxda hobolada waaberi oo qaban qaabada iyo gudiga garsoorkaba qaabilsanaa.

Maxamed Axmed Shareeco, Umi Shariif Axmed, Saadaq Shariif Maxamed, Iyo Aweys Maxamed Siciid Bakaari, waa tartamayaashii xalay waxayna soo bandhigeen dhamaantood heeso dareen geliyay dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay munasaabadii xalay ee hirgelinta heesaha.

Bandhiga heeso lagawada helay oo ay soo maslax saareen afarta tartame ayaa waxaa gebagebada munaasabada natiijada tartanka iyo kaalimaha lakala galay ku dhawaaqay C/risaaq Geedi Aaqiro oo kamid ahaa gudigii garsoorka tartanka hirgelinta heesaha, waxayna kaalmaha u kala galeen sidaan.

1. Maxamed Axmed Shareeco – Kaalinta koowaad 90%

2. Umi Shariif Axmed oo gabar aheyd – Kaalinta labaad 67%.

3. Sadaq Shariif Maxamud – Kaalinta 3aad – 65%

4. Aweys Maxamed Saciid – Kaalinta 4aad – 64%

Dhinaca kale tartamayaashii xalay oo si gaar ah Goobjoog ula hadlay tijaabinta kodkooda kadib ayaan wax ka weydiiyay dareenkooda faneed waxa iska bedelay mar hadey istijaabiyeen, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sida ay tijaabada usoo bandhigeen kuna qanacsanyihiin kaalmaha ay kala galeen.

Ka sokow dadweynihii Soomaaliyeed oo ka qeyb galay munaasabadii xalay waxaa dhinaca kale jiray dad ajinabi ah oo iyana ka qeyb ahaa daawashada tartankii higelinta heesaha.

Hanun Iyo jonson waxay kamid ahaayeen dadkii u daawasho yimid goobta munaasabada Goobjoog Fm ayeey u sheegeen in sida ay wax u dhaceen ay aad ugu riyaaqen, taasna ay tusayso fanka Soomaaliyeed in uu yahay mid ku dayasho mudan.

Tartamayaasha Afarta ahaaa ee ka qeyb galay hirgelinta heesha ayaa wasiirka warfaafinta mustaf Sheekh Cali Dhuxulow waxa uu ku guubaabiyay iney fanka sii wadaan maadama uu la dhacay sida uu yiri ayna u qalmaan fanaaniin Qaran soo horjoogsiga dadkana ay wax badeli karaan isagoo halkaasina ku gudoon siiyay abaal marino lacageed.

Waa markii ugu horeeyaysay waqti dheer kadib dalka lagu qabto tartanka heesaha hirgalay waxaana madasha ku sugnaa Fanaaniintii horay ugu soo baxay hirgelinta heesaha oo uu ka mid ahaa Shimaali Axmed Shimaali oo gudigii garsoorkana qeyb ka ahaa

Halkaan hoose ka daawo sawiro

Tartan5 Tartan4 Tartan3 Tartan1 Tartan