U bood dhigaalka

Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Maanta Lasoo Gebagabeynayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta garoonka Banaadir lagu soo gebagabayn doonaa tartanka kubadda cagata ee degmooyinka Gobolka Banaadir 2018.

Tartanka oo ay ka qayb galeen 17 degmo ee gobolka Banaadir, waxaa uu Finil-ka isugu soo haray degmooyinka Waaberi iyo Shibis.

Waaberi ayaa sanadkii afaraad oo xiriir ah kasoo muuqanaysa fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka, waxayna horay ugu guulaysatay 2017 , halka, 2014iyo 2015Xamar Wayne iyo Boondheere ay kaga guulaysteen.

Shibis ayaa dhankeeda sanadkan bilow uu yahay sida tartankan joogtada looga dhigay 2014, basle waxaa hogaaminaya Macallin Aways Laalaash oo Horay Waaberi koobka uga qaaday isagoo hogaaminaya Boondheere sanadki 2015.

Dhanka kale waxaa galabta la ciyaari doonaa Kulanka kaalinta saddaxaad oo oo ay ku loolami doonaan degmooyinka Shangaani iyo Hodon, waxaana jiri doonaabaalmarino la bixin doonowaxaana kamid ah.

1. Kooxda ugu wanaagsan,

2. 11 ciyaaryahan ee ugu wanaagsan tartanka

3. Laacibka ugu wanaagsan

4. Laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka

5. Gool-hayaha ugu wanaagsan

Abaalmarin lacageed ooay heli doonaan degmooyinka saddaxda kaalin e eugu horaysay ku dhamaysta. iyo Abaalmarino kale oo muhiim ah .

Kulanka kaalinta saddaxaad Shangaani vs Hodon 3:30 Galabnimo

Kulanka fiinaalka: Waaberi vs Shibis 7:00 Fiidnimo

Wararka waxaa ay sheegayaan in bahada Jecel ciyaaraha oo lacag la’aan ku daawan doona kulanka

Goobjoog News