U bood dhigaalka

Tartanka Kubadda Cagta Ee Degmooyinka Gobalka Banaadir Oo Furmay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay laguna daahfurayay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay  Gobolka Banaadir ,  guddiga olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka kubada cagta, madaxda Isbortiga gobolka , madaxda degmooyinka, ciyartoyda iyo taageraayasha  17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Ciyaartoyda 17 degmo oo calankoodoa wata ayaan garoonka socod kusoo maray waxaana usacaba tumayay taageerayaashooda,

Ugu horeyn  munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka  Xasan Wiish waxuu yiri” waa sanadki labaad oo xiriir ah ayaan qabanaynaa tartankan”sandki tagay  waxaa ka gayb gashay 340 ciyaaryahan oo 200 kamid ah ay ku biireen  kooxaha heerarka kale gedisan ee kubadda cagta sanadkana waxaan  rajeynayaan in ay soo baxaan ciyaartoy tayo leh oo mustaqbal ku yeesha kubada cagt dalka waana  sabata maamulka isboortiga gobolka uu xooga u saaray in tartanka u qabto sanad kasta isla markanaa ay joogtayn doonaan.

Sidoo Kale waxaa goobta ka hadlay Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta dalka  Cali Cabdi Maxmaed (cali Shiino) waxuuna soo dhaweeyay dadlaaka isboortiga gobolka  dhanka horumarka u qaadayo, xiriirka kubbada cagtana ay marwalba door muhiim ah kaqaataan taaba galinta tartanka islamarkaana ay rajeynayaa in ay kasoo bixi doonaan ciyaartooy wax gal ah.

Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada gobolka iimaan Nuur  Iikar oo isna goobta ka hadlay islamarkaana tilmaamayay sida ay garoonka usoo buuxdhaafiyeen dadweynaha ayaa  yiri”  Muqdisho waa isku soo baxday fariin ayayna diraysaa,” Qof walboow waxaad uga qayb qaadan karto horumarka muqdisho uga qayb qaado, culayskasta oo jira gobolka wuu horumaraa.

Guddoomiye ku xigeenka siyaasada  iyo aminga ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa gobagadiikahadlay xaflada furintaanka ay  sheegay intartannka uuka qayb qadanayo nabadda iyo isdhex gabolka, waxuuna ciyaartodya tartanka kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaaro asluub ku salaysan.

Kulanki furitaanka oo ay nasiib u yeesheen degmada Cabdicasiis iyo Yaaqshiid ayay labda koox soo bandhigeen ciyaar wanaagsanw axaa waqtigi loogu talo galay ciyaarta ku idlaatay 5-1  guusha ku raacday degmada Yaaqshiid.

W/D: Xuseen Maxamde Hadaafow

Email: hadaafoow7 @hotmail.com

Goobjoog Fm Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay ee ciyaaraha waxaad toos uga akhrisan kartaa www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/sport

Daawo Sawirada:

IMG_7814IMG_7815IMG_7817IMG_7836

IMG_7836

 

 

 

 

 

 

IMG_7841IMG_7843IMG_7845IMG_7852IMG_7877IMG_7909IMG_7926IMG_7967IMG_7974IMG_7985IMG_7990IMG_7992IMG_7926

IMG_7995IMG_7998IMG_8003IMG_8017IMG_8022

IMG_7906IMG_7909IMG_7926IMG_7967IMG_7974IMG_7985IMG_7990IMG_7992IMG_7995IMG_7998IMG_8003IMG_8017IMG_8022IMG_8024IMG_8026IMG_8028IMG_8029IMG_8032IMG_8034IMG_8035IMG_8038IMG_8040IMG_8045IMG_8064IMG_8079IMG_8087IMG_8090IMG_8091IMG_8114IMG_8152IMG_8174IMG_8183IMG_8195IMG_8221IMG_8227IMG_8246IMG_8267IMG_8272IMG_8274IMG_8278IMG_8283IMG_8292IMG_8297IMG_8301IMG_8308IMG_8310IMG_8313IMG_8317IMG_8320

 

IMG_8320IMG_8337

IMG_8345IMG_8354IMG_8368IMG_8385IMG_8392IMG_8438IMG_8468IMG_8509IMG_8512