U bood dhigaalka

Tartanka Kubadda Cagta Ee Gobollada Iyo Koobabka Ay Kala Heystaan

Sheeko:Dalka

Waxaa Jimcaha Muqdisho ka furmi-doona tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada, kaasi oo laga soo wareejiyay Jubbaland.

Tartanka waxaa ka qeyb-galaya maamullada Jubbalad, Koonfur galbeed, Banaadir, Hirshabeelle, Galmaudug Iyo Puntland.

Hadaba Halkan ka Akhris Sida Horay Loogu Kala Guuleystay:

Tartankan xilligii burburka ka hor waxaa loo tartami jiray 18 gobol oo dalka ah, waxaa gobollada isku reereebi-jireen sida ay daris u yihiin, si ugu dambeyntii tii awood badan koobka u ciyaarto.

Taariikh ahaan, gobollo waxaa jirta koobka qaadistiisa ku caan baxay, kuwoo aan weligood qaadin iyo gobollo aanba weligood  iman koobka.

Burburkii ka Hor: Gobolka Jubbada hoose waxaa uu qaaday 8 jeer,  Shabeellada hoose 3 jeer, Shabeellada dhexe 3 jeer, Waqooyi galbeed iyo Banaadir mid ha jeer.

Burburkii Kadib: 2010-kii markii dib loo bilaabay, tartan lagu qabtay Garoowe waxaa ku guuleystay gobolka Banaadir halka tartankii kale ee July sanadkii hore dhacay ay ku guuleysteen ciyaar-toydii ka socotay Puntland.

Haddii marka aan qaab maamul goboleed u qorno waxaa ay noqoneysaa sidan:

 Jubbaland: 8 Jeer

Koonfur Galbeed: 3 Jeer

Banaadir: 2 Jeer

 Hirshabeelle: 3 Jeer

 Galmudug: Eber

 Puntland: 1 Jeer

Natiijada iyo ciyaaraha, kala soco,  Goobjoog News