U bood dhigaalka

Tartanka Orodka Gaaban Oo Caasimada Muqdisho Lagu Qabtay Sanadkii Labaad

Sheeko:Cayaaraha

Sanadkii labaad magaalada Muqdisho waxa ay mari gelisay la qabtay tartanka Orodka gaaban ee Muqdisho, iyadoo lagu maamuusayay Maalinta Isboortiga Nabadda iyo Adduunka, iyo maalinta Ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo ku beegan 6-da April waxaana ka qeyb galay madaxda ka socotay dowladda iyo Gobolka.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay 1,500 oo ruux oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana Tartankan soo qaban qaabiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo kaashanayay Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyara dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankan uu yahay mid ka turjumeysa, horumarkannabadda iyo is dhex galka bulshada, waxaana ay u hambalyeysay ciyaartoydii kaalmaha sare ka galay tartanka Orodka.

Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday degmada Kaaraan ayaa kaalinta 1aad dhinaca wiilasha kala galay tartanka gaaban ee Muqdisho wuxuuna sheegay in uu ku haminayo in uu ka qeyb galo tartamada caalimiga  ee ciyaaraha fudud si uu Soomaaliya uu ugu soo hooyo guulo wax ku ool ah.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Oradka Gaaban Ee Magaalada Muqdisho

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/676450212774774/