U bood dhigaalka

Tayo Dhawrista Badeecooyinka Soo Gala Soomaaliya, Waa Talaabo loo Baahnaa

Shalay wasaaradda ganacsiga ayaa heshiis la saxiixatay shirkad Turki ah taasi oo qaban doonta hawl baarista iyo ogaanshaha tayada badeecada ganacsiga ee soo gasha dalka, gaar ahaan cuntada iyo dawada.

Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan, halka dhanka shirkada Turkiga ah ee PGM uu u saxiixay madaxa shirkadaasi Dr. Cariif Canacik , waxaana goobjoog ka ahaa wasiiro kale iyo mas’uuliyiin.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey muddo 20 sano ka badan oo dalka laga hirgalinayo adeeg noocani oo kale ah, xili dalka ay dhibaatooyin badan ka abuureen raashiin dhacay iyo dawo dhacday oo ganacsi ahaan loo keenayay dalka mudadaasi uu burburka ka jirey .

Waxaa caadi iska noqotey in ganacsatada Soomaaliyeed qaarkood ay qiimo jaban warshadaha adduunka oga soo iibsadaan badeeco dhacday, iyaga oo kusoo dhajinaya qoraalo muujinaya in taariikhdooda aysan wali dhicin, kadibna badeecooyinkaasi si furan loogu iibinayo suuqyada dalka iyada oo aysan jirin cid kormeer ama daba gal ku samaysa.

Waxaa ugu daran dawooyinka dhacay ee dalka la keenayo kuwaasi oo iskaba dhaaf in ay dadka xanuunsan ku dawoobaane, ay xanuuno kale kasii qaadanayaan, taasi oo aanan la ogeyn inta qof ee ay dawadani dhacday galaafatay.

Caalamka intiisa kale waa dambi weyn in qof laga iibiyo ama laga ganacsado dawo ama badeeco dhacday, haddii uu qof shacabka ka mid ah uu ku waxyeeloobo dawo ama cunto dhacdayna waxaa loo qabsadaa ciddii ka iibisey, hase yeeshee wali xeerkaasi Soomaaliya kama dhaqangalin.

Inkasta oo wax la’iska weeydiin karo qaabka loo maray qandaraaska lala saxiixdey shirkadani xili kuwii hore ee qandaraaska lala saxiixdey su’aalo laga keeney, ayaa haddana shaqada la sheegey in PGM ay tahay mid dad badani ay ku farxeen.

Horey waxaa u jirtey shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo ganacsato Soomaaliyeed shirkad la ah oo dooneysey in ay hesho qandaraaskani, waxaase muuqata in hadda qandaraaska ay ku guuleysatay shirkadda Turkiga.

Mid ka mid ah waxyaabaha fududeyn kara shaqada shirkaddani ay qabanayso ayaa ah maadaamaa badeecooyinka intooda badan kasoo degaan dekada weyn ee Muqdisho, taasi oo ay gacanta ku heyso shirkad kale oo Turki ah, waxaana la garan karaa xiriirka wadashaqeyn ee labada shirkadood dhexmari doona.

Lama oga qidmadda laga qaadi doono ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecooyinka lasoo degaya marka la baarayo tayada badeecadooda, iyo waliba ganaaxa iyo ciqaabta ay mudan karaan haddii lagu qabto badeeco dhacday oo ay lasoo dageen.

Kaliya ma ahan in badeecooyinka soo galaya dalka tayadooda la eegayo, ee sidoo kale waxaa la baarayaa kuwa dalka laga dhoofinayo, tanina waxa ay fursad u tahay in suuqyada adduunka ay si kalsooni ku jirto u iibsan karaan badeecooyinka Soomaaliya laga keeney.

Shirkadda waxa ay keeni doonta qalab casri ah oo isugu jira sheeybaaro iyo qalab kale oo lagu baaro tayada badeecooyinka, iyada oo sidoo kale tababari doonta shaqaale Soomaaliyeed.

Waxa ay bixin doontaa waraaqo cadeynaya in badeecada ay tayadeedu wanaagsantahay, soona martay baaris.

Maadaamaa shirkadani ay tahay tan baarta guud tayada badeecooyinka gala ama ka baxa dalka Turkiga ayaa waxa kale oo ay abuuri kartaa rajo ah in uu furmayo suuq cusub oo loo iib geeyo badeecooyinka ama kheyraadka ceyriinka ah ee Soomaaliya, kaasi oo hadhoow dalka Turkiga lagu soo warshadayn doono, sida lagu rajo weynyahay.

Goobjoog News