U bood dhigaalka

Telefoonka Ugu Yar Dunida Oo Mardhow La Soo Saarayo

Shirkadda Clubit ayaa soo saartay telefoonka teleefoonka ugu yar dunida kaasi oo ilaa iyo hadda ay socoto sameyntiisa.

Telefoonkaan oo lagu magacaabo “Zanco Tiny T1” ayaa dhirirkiisu waxaa uu gaarayaa 47 Mm, waxaa uuna ka yaryahay farta qofka bani’aadanka ah.

Teleefoonkaan ayaa waxaa lagashan karaa jeeb kasta oo aad u yar,telefoonkaan yar ayaa waxaa loo qaabeeyay sida telefoonnada kale waxaa uuna leeyahay meelo lagu dirsato fariimaha .

Meymoriga telefoonkaan ayaa waxaa uu awood u leeyahay inuu keydiyo 300 oo wicitaanno ah iyo 50 fariimo ah.

Waxaa la kordhin karaa Meymorigiisa waxaana la gaarsiin karaa 32 Meyga Beyd.

Batarigiisa oo aad u yar telefoonkaan waxaa uu awood u leeyahay inuu shaqeeyo saddex maalin isaga oo aan la dabeynin.

Waxaa la sugayaa in Telefoonkaan uu soo galo suuqyada bisha May ee sanadka 2018 qiimihiisuna waa 40 doolar