U bood dhigaalka

Telefoonnada Casriga Ah Oo Saameyn Togan Ku Yeeshay Dhinacyada Waxbarashada Iyo Shaqada

Sheeko:Dalka

Wixii ka dambeeyay 2010-kii waxaa aad ugu soo batay Soomaaliya isticmaalka telefoonnnada casriga ah oo loo yaqaanno Smart phone-ka, kuwaasi oo xambaarsan adeegyada lagu isticmaalo baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Dhallinyarada ayaa aad u xiiseeya, isticmaalkooduna aad ayuu ugu baahay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Telefoonnadaan ayaa leh saameyn togan iyo mid taban labadaba waxa ayna saameyn ku yeeshaan dhinacyada kala duwan sida waxbarashada iyo shaqada.

Dadka ayaa waqtigooda ugu badan ku lumiya isticmaalka barnaamijyada telefoonnadaan, Daahir Maxamed Salaad waxa uu yiri “Dhinacyada uu saameeyay waxaa ka mida hogaaminta dalka, gaar ahaan dadka siyaasiyiinta ah saameyn badan oo dib u dhac ah ayuu ku yeeshay, waxaa laga yaabaa qofka mas’uulka ah in caawa oo dhan inta waqtigiisa ku lumiyo telefoonka in subixii isaga oo lulmoonaya uu yimaaddo shaqada”.

Telefoonnada casriga ah ayaa sidoo kale qeybaha waxbarashada waxa ay ku yeesheen saameyn weyn, iyaga oo ardeyda ku mashquula daawashada filimada sheekooyinka gaagaaban ee la soo dhigo Facebook iyo wixii lamid ah.

Cumar Daahir Maxamed Arday waxa uu yiri “Waa shey aad u mashquul badan, haddii aan ka fiirinno dhinaca waxbarashada saameyn weyn ayuu ku leeyahay waxaa dhacda mararka qaar in aan telefoonka damiyo isbuucyada ay ii socdaan Imtixaanaadka”.

Dhanka kale telefoonnadaan ayaa waxa ay faa’ido u leeyihiin dadka qaba baahiyaha gaarka ah sida kuwa aragga la’.

Maxamed Cabdi Salaam Macallin Jaamacadeed waxa uu yiri “Telefoonnadaan dad badan ayey noloshooda ay wax ka badaleen waxaana ka mida dadka naafada ah, toban sano ka hor dadka aragga naafada ka ah ma isticmaali jirin telefoonnada”

Goobjoog News