U bood dhigaalka

Thabid Oo Sheegaya In Shirkii Wadatashiga Gobolka Banaadir La Qabanayo Bishan

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shirkii baaqday ee arrimaha nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir la qaban-doono 28ka Bishan Janaayo 2018.

Hadalkan waxaa uu Guddoomiye Thaabit ka sheegay goob xariga looga jarayey sabtidii dhismaha wadada General Kaahiye Ee Muqdisho.

Shirkan nabadeynta iyo horumarinta Banaadir ayaa loo madal-sanaa inuu qabsoomo 7dii Janaayo 2018, laakin waxaa uu u baaqday sababo lagu sheegay khilaaf dowladda dhexdeeda ah.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo December 26keeda Degmada kaxda  ka furayey Barnaamijka Deresenta iyo Amniga ayaa ku dhaqaaqay in shirkan qabsoomayo, laakin waxaa uu soo ifbaxay khilaaf aan rasmi loo shaacin taas oo keentay in la dib dhigo.

Todobaadkii hore, Xubno ka tirsan ururka jilayaasha aan dowliga aheyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya(SOSCENSA) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda u diray baaq ku aadan sidii u qabsoomi lahaa shirka wadatashiga gobolka Banaadir.

Ururka ayaa ka hadlay in shirkaasi u dan u yahay bulshada ku nool gobolka Banaaidr iyo Soomaali oo dhan, iyagana u taagan yihiin isu soo dhoweynta dowladda dhexe iyo heer gobol iyo mid maamul goboleed iyaga oo ku baaqay in la qabto ugu dambeyn 20-25-ka bisha.

Goobjoog News