U bood dhigaalka

Thabit Cabdi Oo Goobjoog Uga Warramay Ujeeddada Xisbiga uu Diiwaan-geliyey Ee PPP

Sheeko:Dalka

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta diiwaan-geliyey xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay  xisbiga awoodda shacabka (People’s Power Party).

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran Xaliima Ibraahim Ismaaciil ayaa shahaadada aqoonsiga KMG ee diiwaangelinta guddoonsiiyay Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg oo ah Guddoomiyaha KMG ee xisbigan.

Xisbiga awoodda shacabka waxaa hoggaaminaya, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi.

Guddoomiye Thaabit oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay sababta ay xisbigan cusub ee PPP u aasaaseen iyo ujeedkooda.

“Dal waxaa uu horumaraa marka awoodda shacabka la siiyo, dal aanu dadkiisa awood laheyn ma horumaro, awoodsiinta umadda Soomaaliyeed ayaan ka shaqeyn-doonnaa” ayuu yiri Thaabit Cabdi.

Cabdi, oo haatan dibadda ku maqan waxaa uu intaasi raaciyey in dhowaan la qaban-doono xafladda daahfurka xisbiga taasi oo ka dhici-doono caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News