U bood dhigaalka

Thabo Mbeki Oo Labada Suudaan Kadib Xal u Raadinaya Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxa guddiga ururka midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaan iyo South Sudan Thabo Mbeki ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Thabo Mbeki waxaa garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ku soo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad, ergeyga UN-ka ee Soomaaliya James Swan iyo ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Ujeedka safarka weli ma cadda, laakin kulan uu Thabo Mbeki shalay la qaaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, waxaa looga wada hadlay arrimaha geeska Afrika iyo horumarka ay guddiga gaareen iyo shaqadooda.

Mbeki oo horay u soo noqday madaxweynaha Koonfur Afrika waxaa uu madax ka yahay  The African Union High-Level Implementation Panel for Sudan (AUHIP) oo ah guddi qaablisan arrimaha Suudaan iyo South Sudan, guddigan oo la dhisay 2009-kii ayey shaqadoodu aheyd labada Suudaan, laakin hadda lama oga sababta uu soo aaday dhanka geeska Afrika. AUHIP)  waxaa sidoo kale madax ka noqday madaxweyneyaashii Burundi iyo Nageria Pierre Buyoya iyo Abdulsalami Abubaker.

Thabo Mbeki waxaa uu saxiib dhow la yahay dalka Kenya isaga si joogta ah u milnaa siyaasadda dalkaasi, doorashooyin iyo qaab kalaba 10-kii sano ee la soo dhaafay, in dhex-dhexaadin ka bilaabo Soomaaliya iyo Kenya waa arrin miiska saaran.

Goobjoog News