U bood dhigaalka

Wargeyska The Independent oo Maanta Qaab Online ah Ku Soo Baxaya

Wargeyska Afka dheer ee The Independent ayaa maanta ku soo baxaya qaab Online ah oo keliya, tilaabadan ayaa imaaneysa kadib markii sabtidii uu soo baxay nuqulkii ugu dambeeyay ee wargeyska oo warqado ah.

Wargeyskan oo muddo 30 sano ah ka soo baxayey dalka Ingiriiska waxaa lagu xasuustaa warkii ku saabsana shirqoolkii lagu dilay Boqorka Sacuudi Carabiya iyo sida ay u Mucaaraday faragelintii Ingiriiska ee Ciraaq 2003-dii.

Ninka iska leh Wargeyska The Independent  Evgeny Lebedev waxaa uu sheegay in Saxaafadda guud ahaan ay is badashay sidoo kalana loo baahan yahay in wargeysyada is badalaan, The Independent  waxaa kaloo ay iibin doontaa wargeysyo kale oo shirkadda ay soo saari jirtay

Journaalkan The Independent waxaa uu leeyahay barta Independent.co.uk oo ah bar ay si joogta ah ula socdaan wararkeeda ilaa 70 million bil walba.

1995-tii ayaa ugu dambeysay dalka Ingiriiska in Wargeys maalinle ah uu shaqadiisa joojiyo, lama oga saameynta uu arrinka ku yeelan doono Saxaafadda Ingiriiska oo lagu tirito tan ugu afka dheer aduunka.

Goobjoog News