U bood dhigaalka

Theresa May Oo Mar Kale Heshay Kalsoonida Xisbigeeda

Sheeko:Dalka

Ra’iul wasaaraha UK Theresa May ayaa ka guuleysatay koox ka tirsan xisbigeeda Conservative-ka oo mooshin ka keenay.

May waxaa ay heshay 200 cod, halka 117 ay u codeeyeen in kalsoonida lagala laabto, sidaasina ku bad-baaday. Kalsoonida ay heshay waxaa ay ka dhigantahay iney xisbiga sii hoggaamiso muddo sanad ah.

Ra’isul wasaare May, waxaa ay ballanqaaday inay horay u sii wadi-doonto danaha dadka iyo waddanka, isla markaana ay dhameystiri-doonto howlaha ka bixitaanka Yurub.

Mooshinka isla maalintii la qabtay, ayaa loo codeeyey, lana shaaciyey natiijada, waxaana u hoggaansamay dhamaan dhinacyada.

Goobjoog News