U bood dhigaalka

Tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Gurbiye Oo Maalintii 2-aad U Xiran Dowladda Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ku xiran tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shalay looga yeeray saldhigga Degmada Hodan kaddibna xarig aan sharci ahayn halkaasi loogu geystay.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali si toos ah uga hadlin xarigga wariyaha Goobjoog ka tirsan.

Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah.

Dhanka kale ururrada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ayaa siyaabooyin isku mid ah u cambaareeyey xarigga wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalinkii labaad u xiran dowladda Soomaaliya. Dowladda haatan jirta ayaa lagu dhaliilaa inay inta badan cabburiso saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul qowlka.

Goobjoog News