U bood dhigaalka

Tifaftirihii Wargeyska Xog Ogaal Oo Dib u Helay Xorriyadiisa

Sheeko:Dalka

Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa dib xorriyadiisa u siisay tifaftirahii wargeyska Xog Ogaal Cabdi Aadan Guuleed oo muddo Labo cisho ah xirnaa.

Xoghayaha ururka saxfiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimuu oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kadib markii ay la kulmeen taliyaha NISA Jeneraal Gaafow uu ka aqbalay in dib xorriyadiisa loo siiyo Cabdi Aadan.

Macallimuu ayaa sidoo kale sheegay in qalabkii ay ciidanka NISA ka qaateen xarunta Wargeyska dib loogu soo celin doono maanta oo Arbaco ah.

“Markii aan la kulannay Jeneraal Gaafow wuxuu naga aqbalay codsigeena ah in dib xorriyadiisa loo siiyo Tifaftiraha wargeysa Xog gaal Cabdi Aadan, sidoo kale waxaa maanta dib loo soo celin doonaa qalabkii ay ciidanka NISA ka qaadeen xarunta wargeyska sida taliyaha inoo xaqiijiyey, waxaa kaliya naloo sheegay in arrinta lagu haystay ahayd in wargeyska lagu soo daabacay sawirro argagax leh, saxaafaddana waxaan ugu baaqayaa iney ilaaliyaan anshaxa saxaafadda” ayuu yiri Macallimuu.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa mararka qaar xarig kala kulma hay’adaha amniga dalka, iyadoo sidoo kale ay jiraan dhibaatooyin kale oo saxaafadda la kulanto mararka qaar.

Goobjoog News