U bood dhigaalka

Tigray oo Diiddan Damaca Abiy Axmed ee Muddo Kororsiga, Kuna Dhawaaqay Doorasho Hal Dhinac Ah

Sheeko:Dalka

Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa iska diiday damaca ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee uu ku doonayo in markii 2aad dib ugu dhigo doorashada iyaga oo sheegay in deegaankooda ay doorasho ka dhici-doonto.

Isniintii, waxaa is casishay, Keria Ibrahim oo aheyd guddoomiyaha aqalka sare iyo xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd  Tigray People’s Liberation Front (TPLF), tillaabadaas oo lagu sheegay mid lagu cadaadinayo maamulka Abiy Axmed, loogana soo horjeedo dib u dhigista doorashada.

Itoobiya oo ah dalka 2aad ee ugu tiro  badan dad ahaan qaaradda Afrika ayaa la filayaa in doorasho madaxweyne ka dhacdo September kolkaas oo ay ku egtahay muddo xilkeedka Abiy Axmed, laakin xukuumaddiisa waxaay marmarsiyo ka dhiganeysaa Covid 19 si doorashada dib loogu dhigo.

Doorashada Baarlamaanka oo la filayey March ayaa dib loo dhigay, waxaana laga dhigay August, laakin waxaa hadda muuqato in xukuumadda Abiy Axmed ay dooneyso in mar kale dib loo dhigo taasi oo Tigray diidan yihiin.

 EPRDF ayaa xukunka Itoobiya qabsatay 1991-dii, waxaana iska heystay Tigray  ilaa uu yimid Abiy Axmed oo Oroma ah, hadda Tigray  waxaa ay doonayaan in awoodda dib u helaan, mana ogola in fursad waqti kororsi ah ay siiyaan maamulka Axmed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir