U bood dhigaalka

Tiicey Oo Sheegay In Magdhow Ka Doonayo Dowladda Belgium

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo dib u helay xorriyadiisa, kadib Afar Sano oo uu ku xirnaa dalka  Belgium ayaa gaaray dalka Maraykanka.

Tiicey ayaa sheegay in lagu waayay wax dambi ah, maadaama si qaldan loo xiray iyadoo lala xiriirinayo falal la xiriira Burcadbadeednimo.

Mudadii uu xirnaa ayuu sheegay iney socotay oo kaliya maxkamadda, islamarkaana ugu dambeyn markii wax dambi ah lagu waayey lasii daayey.

Waxa uu sidoo kale sheegay Maxamed Aadan Tiicey, in hadda ay socoto dacwad ku aadan sidii uu magdhow uga heli lahaa dowladda Belgium, maadaama uu si sharci darro ah ugu xirnaa muddo Afar Sano ah, sidoo kalena lagu sameeyay magac dil.

“Hadda waxaa furan dacwo aan ku dacwoonayo intii aan xirnaa dhibkii, magac haleyntii iyo sumcad qaadistii magdhowgeeda in xal loo helo” ayuu yiri Tiicey.

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa dalka Belgium waxaa loo geeyay iyadoo loo sheegayo inuu kaalin ka qaadan doono Filim laga sameynayo Burcadbadeedda Soomaalida.

Goobjoog News