U bood dhigaalka

Taliye Caawa Lagu Dilay Sool

Sheeko:Amniga

Koox hubeysan aan oo aan weli heybtooda la garan ayaa caawa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee ku dilay taliyihii danbi baarista gobolka oo la dhihi jiray Guhaad, qolyihii dilka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaana goobta isaga baxsaday markii dilka u geysteen taliyaha.

Wararka Goobjoog News caawa ay ka helayso maagaalada Laascaanood ayaa ku waramayo in taliyaha la dilay uu ahaa taliye gacanta ku haayey baarista dilka dhowaan gobolka Sool loogu geystay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka oo qarax lagu dilay.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa caawa bandow lagu soo rogay waxaa jira baaritaanno ay sameynayaan ciidamada ammaanka magaalada oo ay ku baadi goobaayaan qolyihii dilka geystay mana jro wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka oo ku aadan dilka caawa dhacay.

Goobjoog News