U bood dhigaalka

Tillerson Oo Booqasho Uga Bilaabaneysa Africa

Sheeko:Caalamka

Xoghaya arrimiha dibadda mareykanka Rex W. Tillerson ayaa la filayaa in maanta uu booqasho rasmi ah uu ku yimaado qaaradda Africa.

Wadamada uu tagayo xoghayuhu waxaa ka mid ah Chad, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Nigeria, si uu wada-xaajood ula sameeyo hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta dalalkan.

Tillerson ayaa sidoo kale Adidis Ababa kula kulmi doona hoggaamiyeyaasha ururka Midowga Africa, waxayna ka wada hadli doonaan waddooyinkii lagu horumarin lahaa dowladaha iyo shucuubta Africa.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadli doonaan Tillerson iyo madaxda Midowga Africa mowduucyo kale oo ku saabsan la dagaalanka argigixisada, horumarinta nabadda iyo amniga, maamul wanaagga iyo horumarinta is weydaarsiga ganacsiga.

Goobjoog News