U bood dhigaalka

Tirada Dadka Cudurka Coronavirus Dunida uu Ku Dhacay oo Ka Sare Maratay 7 Milyan

Sheeko:Caafimaadka

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka safmarka ah ee Coronavirus (COVID-19) guud ahaan caalamka ayaa ka sara martay 7 milyan oo ruux, iyada oo Latin America ay hadda tahay meesha dhimasha badan uu ka gaysanayo.

Waxa cudurka u dhintay in ka badan 400,000 caalamka oo dhan halka 3,477,104 ruux ay ka soo bogsatay, balse cudurka ayaa hadda waxa uu fara baโ€™an ku hayaa dalalka Brazil, Mexico iyo Peru oo Latin America ah.

Brazil waa dalka 3-aad ugu dhimashada badan marka laga soo tego Mareykanka, Ingiriiska, waxa uuna cudurka ka dilay sidan: Mareykanka 112,477, Ingiriiska 40,542 halka Brazil-na uu ay u dhinteen dad dhan 37,312

Waxa xusid mudan in dalal badan ay horumar ka sameeyeen dadaalada lagu xakamaynayo cudurka, mana jiraan tiro hor leh oo badan oo laga diiwaan gelinayo hadda, sidoo kale waxaa dib loo furayaa ganacsiga, isu socodka, waxbarashada iyo duulimaadyada caalamiga.

Dalkeena Hooyo, Soomaaliya waxa cudurkan saf-marka ah ee Coronavirus ku dhacay 2,334 xaaladood, waxana u dhintay 83 ruux halka 441 ruux kale ay ka bogsadeen sida ay xaqiijisay Wasaaradda caafimada ee dawladda Federalka Soomaaliya.

Goobjoog News