U bood dhigaalka

Tirada Dadka Mareykanka ugu Geeriyooday Coronavirus oo Korortay

Sheeko:Caalamka

Tirada caabuqa Corona ugu dhimatay dalka mareykanka ayaa imika aad sare ugu sii kacday.

Tirada ayaa iminka ka sare martay 5,000, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, Mar sii horeysay ayay jaamacadu sheegtay in 24 saac ee ugu dambeysay ay caabuqa Corona Mareykanka ugu dhinteen 884 qof.
Dadkii ugu dambeeyay ee caabuqan u dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa cunug jira 6 toddobaad.

In ka badan 216,000 ayaa guud ahaan Mareykanka soo ritay cudurka, waana tiradii ugu badnayd ee dal laga soo sheego.

Tirada maalinkii uu soo rito Corona dalka Mareykanka ayaa gaartay 25,000.

Saraakiisha caafimaadak Mareykanka ayaa waxay saadaalinayaan in 240,000 oo qof ay cudurkan u dhiman karto.
Goobjoog News