U bood dhigaalka

Tirada Dadka Qaatay Kaararka Codeynta Doorashooyinka Somaliland Oo La Shaaciyey

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaciyey tirada rasmiga ah ee dadka qaatay kaararka codeynta doorashada maamulkaasi oo la filayo iney dhacdo 13-ka bisha November.

Xubnaha guddigan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay iney si diiwaangeliyeen 704,089 islamarkaana ay dadkaasi xaq u leeyihiin iney codeeyaan.

Tiradan lasoo gudbiyey ayaa ah dadka iska diiwaangeliyey guud ahaan deegaannada maamulka Somaliland, iyadoo ay jiraan dad badan oo aan ka qeybqaadan is diiwaangelinta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News