U bood dhigaalka

Tirada Dhaawacyada Qaraxii Naasahablood 2 Ee Ku Jira Isbitaallada Muqdishu

Sheeko:Caafimaadka

Dad dhaawacyo qaba ayaa la jiifiyay isbitaallada magaalada Muqdisho, Isbitaalka Madiina keliya waxaa la gaarsiiyay  illaa 15 ,sida uu noo xaqiijiyay Dr.  Cabdulqaadir  Cabdiraxmaan Agaasimaha gadiidka gurmadka Amin Ambulance.

Waxaa jira 11 qof oo la gaarsiiyay isbitaalka Daaru-shifa ee Muqdisho, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka  ay Goobjoog u xaqiijiyeen in lix ka mid laga saaray isbitaalka kadib markii xaaldooda ay soo roonaatay halka shan ka mid ah ay jiifaan.

Si aan wax uga ogaanno xaaladda dadka  dhaawacyada ah ee jiifa Isbitaalka Madiina ayey wariyeyaasheenna u tageen halkaasi balse Dr.  Maxamed Yuusf Agaasimaha isbitaalka Madiina  waxaa uu ka gaabsaday in uu la hadlo Goobjoog.

In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa iyo toogashada sabtidii ka dhacday Hotelka Naasahablood 2, waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 30 ruux.

Goobjoog News