U bood dhigaalka

Tirada Dhimishada iyo dhawaaca Shilkii Ka Dhacay Masaajidka Xaramka oo Sii Kordhey

Sheeko:Caalamka

Waxaa ilaa hada la xaqiijiyay in ay dhinteen 87 qof, in ka badan 180 na ay dhaawacmeen ka dib markii wiishka dhismo ka waday qaybta bari ee Masjidul-xaraamka uu soo jabay.

Xukuumada Sacuudiga ayaa xaqiijisay tirida dhimashada iyo dhaawac, ilaa hadana waxaa lagu gudda jiraa sidii gurmad caafimaad loogu fidin lahaa dadkii ku dhaamacay masaajidka.

Barayahan danbe waxaa magaalada Makka almukarma ka da’ayay roobab xoog leh oo dabayla wata, waxaana loo malaynayaa in ay sabab u yihiin shilka caawa ka dhacay masjika.

Muuqaal lagu baahiyay barta Youtubka ayaa waxaa la’arkayay xiliga oo soo dhacayay wiishku qofkii video-ga duubayay waxay ku qaylinyeen “Yaa ladhiif…. Yaa ladhiif” kadibna waxaa video-ga laga dhex maqlayaa daryaanka wiishka markuu ku dhaco dhismaha majiska iyo dad qaylinaya.

Waxaa laga yabaa in ay kor u kacdo dhimashda iyo dhaawac ka dhashay shilka caawa ka dhacay Xaramka barakaysan.

Goobjoog News