U bood dhigaalka

Tirakoob: Dadka u Dhintay Cudurka Shuban Biyoodka Iyo Kuwa La Xanuunsanaya Guud Ahaan Dalka

Sheeko:Caalamka

Abaarta gobolada Dalka ee  Saameysay Dad iyo duunyaba Waxaa dheer oo wax yeeladiisa wata Cudurka Shuban biyoodka oo oo dad badan ay u geeriyoodeen.

Maamul Goboleedyada dalka qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News, in wada shaqeyn wanaagsan aysan  ka dhaxayn iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya si  wadajir looga jawaabo kiisaska Caafimaad ee cudurka Shuban Biyoodka.

Goboladu waa ay ku kala duwan yihiin, saameynta iyo tirada dadka ee cudurka uu saameeyey, waxaana gobollada ugu badan dhimashada ay yihiin Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Hirshabelle: 130 ruux ayaa u geeriyootey cudurka Shuban biyoodka, waxaana haatan la il daran 150 ruux kale, iyadoo dadka dhintey 100 kamid ah ay ku dhinteen gobolka Shabellaha Dhexe.

Koofur galbeed 80, Ruux ayaa geeriyootay Saacadihii ugu  dambeeyey gaar ahaan baydhaba deegaana hoos yimaada oo Awdiinle ay ka mid tahay waxaa hada isbitaallada xaaladooda lagu dabiibayaa dad lagu qiyaasay 225 qof.

Jubbaland: 144 ruux ayaa u geeriyootey cudurka Shuban biyoodka, waxaana la xanuunsanaya 270 ruux, dadka xanuunsanaya 200 oo kamid ah waxaa lagu daweynayaa isbitaalka Kismaayo.

Galmudug 20, ruux ayaa u dhimatay Shuban biyoodka deegaanada ugu badan ee Cudurku saameeyey waxaa kamida Saddex Higle oo ah deegaan Gaalkacyo Hoos yimaada Hada waxaa isbitalka Cadaado yaala 30 ruux oo hada xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Puntland Waxaa geeriyooday 15, ruux Tira malaha Dadka isbitaalada la geeyey.

Somaliland Sool Tira koobka dhimashada hada gacan laguma hayo Laakiinse waxaa la xaqiijiyey in gobolka Sool deegaanadiisa isbitaalada ku yaala la geeyey 200 ruux.

Wadar ahaan Dadka geeriyooday ayaa gaaraya 289 Waxaa hada Isbitallaada goboladda yaala oo xaaladooda la dabiibayaa 875.

Kaalimaha Hada Maqan ee la rabay iney wax ka qabtaan dadka shuban biyoodku saameeyey waxaa kamida Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Dr CabdiRisaaq Maxamed yuusuf oo ah Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka iyo Daryeelka Ee Wasaarada Caafimaadkaga Soomaaliya Waxa uu Sheegay iney wadaan dadaal adeeg Caafimaad lagu gaarsiinayo dadka shuban Biyoodku Saameeyey.

W/Q: Cali Aadan Muumin

Goobjoog News