U bood dhigaalka

Tirakoob: Qatar Ciidankeeda Oo Dhan Waa 12 Kun, Akhriso Faah-faahinta

Sheeko:Amniga

CNN ayaa soo bandhigtay awoodda ciidanka dalka Qatar kadib markii ay Doxa todobaadkan furtay saldhiga militari  ee “Dhacaayin” oo xagga badda ah.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa laga yaabaa  iney xiiseeyaan awoodda ciidan ee dalkaasi Qatar mar haddii ay wax badan, oo amniga ku jiro ay ka taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso Awoodda Ciidan ee Dalka Qatar:

Qoraalkan, waxaa lagu sheegay in gobolka carabta ay ugu jiraan kaalinta 14aad halka dunida ay ku jiro kaalinta 100-aad.

Miisaaniyadda ciidamada Qatar ku baxdo sanadkii waxaa lagu sheegay 1.9 Bilyan.

Tirada Ciidamada guud ee Qatar waa 12,000, waana dhammaan inta shaqeysa, mana qabaan ciidamo keyd ah. CNN-ka ma sheegin inta dhaladka ah iyo inta la siiyey jinsiyad ee ku jirta ciidankaas.

Diyaaradaha dagaal ee Qatar waa 15 diyaarad, kuwa rarka waa 42, diyaaradaha tababarka 31 halka aaney laheyn diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Madaafiicda: Ciidamada dhulka Qatar waxaa ay leeyihiin: 92 Kaare, gawaariga dagaal oo dhan: 464 iyo 21 lidka ama nooca BM.

Ciidamada badda ee dalka Qatar, o heysta 69 doon, ma heystaan maraakiibta quusta iyo kuwa dagaalka.

Goobjoog News