U bood dhigaalka

Todobo Sano Kaddib Kismaayo Oo Kasoo Kabaneysa Burburkii Dagaallada.

Sheeko:Dalka

Todobo sano ka hor, ciidamada dalka Kenya ayaa dagaal ay la galeen xarrakada Alshabaab kula wareegay magaalada Kismaayo. Hawlgalka lagu qabsaday magaalada dekedda leh ee Kismaayo waxaa ka qeybqaatay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya, ciidanka lugta iyo waliba kuwa badda si ay meesha uga saaraan xarrakada Alshabaab.

Hawlgalka ay Kenya ka fulisay Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay markii Kenya ay sheegtay in dalkeeda ay Alshabaab weerarro kusoo qaadeen taasina ay keentay inay gudaha u galaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Alshabaab.

Kismaayo waa magaalo deked leh oo ku taalla Koofurta Jubbada hoose. Magaaladu waxay u jirtaa 528 Kilometers Koofur galbeed magaalada Muqdisho. Sannadihii 2007 iyo 2008 Alshabaab waxay dagaallo kula wareegeen magaalooyin muhiim ah iyo dekedo kuwaasoo ku yaalla bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Bishii January 2009, kooxda iyo malleeshiyaad kale waxay awood u heleen inay ku qasbaan ciidamada Ethiopia inay dib uga gurtaan Soomaaliya iyagoo halkaas uga tagey ciidamada Midowga Africa ee nabadda ilaalinaya si ay u caawiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Bishii October 2011, hawlgal qorsheysan oo ay iska wada kaashadeen Ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa billawday kaasoo ka dhan ahaa Alshabaab waxaana hawlgalkaas uu ka dhacay koofurta Soomaaliya.

Hawlgalka waxaa si rasmi ah u hoggaaminayey ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidanka Kenya. Magaalada Kismaayo ayaa loo arkayey inay ahayd saldhiggii ugu dambeeyey oo ay Alshabaab gacanta ku hayeen islamarkaan ay ka heli jireen daqli badan iyagoo halkaas ka dhoofin jiray dhuxusha canshuur badanna ka heli jiray.

Dagaalka ciidanka Kenya ay la galeen Alshabaab ayaa qasaare badan gaarsiiyey taasoo markii dambe ku qasabtay Xarrakada Alshabaab inay ka baxaan magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya haddana ah afhayeenka dowladda Cyrus Oguna ayaa ku tilmaamay qabashada magaalada Kismaayo  calaamad muujineysa dhammaadka Alshabaab maxaayeelay ayuu yiri Kismaayo waxay ahayd meel ay ka helaan hanti badan oo ay kusii huriyaan dagaallada.

Todobo sano kaddib magaalada Kismaayo oo ay deggan yihiin dad tiradoodu tahay 190,000 ayaa si tartiib ah uga soo kabaneysa burburkii kasoo gaaray dagaallada. Tani waxay caddeyn u tahay in ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo ay saameyn weyn ku leeyihiin nolosha dadka deegaanka.

The Star.