U bood dhigaalka

Toogasho dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska magaalada Dayton ee gobolka Ohaio ayaa sheegay in tacshiirad ka dhacday halkaasi ay ku dhinteen sagaal ruux .

Dhimashada dadkaasi oo ka dhacday degmada Oregon ee magaaladaasi ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhintay qofkii ka dambeeyay falalkaasi dhimashada ah.

Shilkaan oo ka dhacay meel dibadda ka ah Baar ayaa la xaqiijiyay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo loola cararay cisbitaalada,sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

Shilkaan ayaa imaanaya wax yar ka dib kolkii magaalada Texas,gaar ahaan deegaanka El basso ay ka dhaceen toogasho sababtay dhimashada 20-qof iyo dhaawacyo ka badan 2

Goobjoog News