U bood dhigaalka

Toogasho Ka Dhacday Magaalada Bosaso Ee Puntland

Sheeko:Amniga

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Bosaso ee gobalka Bari ee , waxaana ku dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ciidamada ammaanka Puntland.

Sida  uu Goobjoog Newsu sheegay qof goob joog ahaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado  ayaa si gaadmo ah ugu toogtay askarta duhurnimadii bartamaha magaalada xili ay wadeen howlgallo  Miino baaris ah.

Inta la xaqiijiyey toogashada waxaa ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Miino barista halka mid kale uu soo gaaray dhaawac kas oo lagu dabiibayo Isbitaalka.

Kooxihii dlka iyo dhaawaca u geystay geystay ciidamada miino barista ayaa goobta iskaga baxsaday, ka hor inta aysan ciidamada ammaanka  soo gaarin.

Ciidamada ammanka dowlad gobaleedka Puntland oo goobta soo gaaray ayaa waxaa ayaa goobta ka qaaday Meydkii iyo dhaawacii askarta, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaan lagu baadi doonaayo kooxii dilka geystay.

Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa modooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanaayey tooshada loo geysanaayo ciidamada iyo dadka kalaba.

Goobjoog News