U bood dhigaalka

TPLF: Waxaa La Joogaa Waqtigii Aadduunku Maya Dhihi Lahaa Xasuuq Kale Oo Loo Geysto Tigrayga!

Sheeko:Caalamka

Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda dhexe ayaa sheegay inay isaga baxeen gobollada deriska la ah ee waqooyiga Itoobiya.

Debretsion Gebremichael, oo ah madaxa TPLF , ayaa ku sheegay qoraal uu qaramada midoobay u diray in ka bixitaankooda uu yahay talaabo dhanka nabadda loo qaday 13 bilood oo dagaal ah kadib.

“Waxaan ku kalsoonahay in ficilkayaga geesinimada leh ee ka bixitaankeena in uu noqon doono waddo Nabadeed” ayuu yiri Gebremichael.

Qoraalka qaramada midoobay ay u direen hogaanka mayalka adag ee TPLF ayeey sidoo kale ku dalbadeen in baaris dhab ah iyo cunaqabateyn lagu soo rogo Abiy iyo xulafadiisa.

“Waxaan ku baaqyna in la sameeyo aag ka caagan duullimaadyada diyaaradaha cadawga ku ah ee dulmara gobolka Tigray, in cunaqabatayn hubka lagu soo rogo Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, iyo in la sameeyo hab  lagu xaqiijinayo in xoogagga hubaysan ee shisheeye isaga baxaan Tigrayga” ayuu yiri Gebremichael

Getachew Reda oo ah afhayeenka kooxda TPLF ayaa sheegay in ciidamada Tigraygu ay ka baxayaan Axmaarada iyo Canfarta.

“Waxaan go’aansannay inaan ka baxno deegaannadaas oo aan u gudubno Tigray-ga. Waxaan rabnaa inaan furno albaabka gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu yiri Getachew.

“Ma danaynayno inaan la wareegno gobolka Canfarta,  Annagu ma danaynayno in aan gorgortan adag la galno Addis Ababa, Waxa aannu danaynaynaa oo keliya in aannu hubinno in go’doominta naxariis darada ah ee lagu hayo dadkeenna in ay jabto” ayuu yiri afhayeenka TPLF.

Reda ayaa sidoo kale sheegay in diyaarahada aan duuliyaha laheyn ay 30 qof ku dileen Gobalka kadib baaqooda nabadda.

“Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones ayaa maanta barqadii weeraray magaalada Mlazat ee xuduudka gobolka canfarta, waxaana lala beegsaday bas yar oo ay saarnaayeen dad shacab ah kaasoo ay ku dhinteen 30 qof, Weeraro lamid ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Maychew iyo Korem, ee Koonfurta Tigray. TPLF: Waxaa La Joogaa Waqtigii Aadduunku Maya Dhihi Lahaa Xasuuq Kale Oo Loo Geysto Tigrayga” ayuu yiri Reda.

Goobjoog News