U bood dhigaalka

Trump: Ciddii Ka Soo Horjeesata Go’aanka Mareykanka Ee Qudus Waxaan Ka Jari Doonaa Gargaarka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu gargaarka ka jari doono dowladaha u codeeya go’aanka ka soo horjeeda Mareykanka kaasi oo maanta oo khamiis ah ay qabaneyso jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso loogana hadlayo arrimaha Qudus.

Trump ayaa yiri “Waxay helayaan malaayiin doolar,xitaa waxay helayaan milyaaraad doolar, waxayna u codeynayaan wax naga soo horjeeda waan hagaag waan kormeeri doonnaa codeyntaas”.

Safiiradda Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay ayuu Trump u xilsaaray inay u soo gudbiso magacyada dowladaha u codeeya go’aanka ka soo horjeeda Mareykanka oo ah inay Qudus tahay caasimadda Israel.

Jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso ayaa ka kooban 193 wadan waxayna maanta qabaneysaa kulan degdeg ah oo lagu cambaareynayo go’aankii madaxweynaha Mareykanka uu ugu aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israel.

Goobjoog News