U bood dhigaalka

Trump: Falastiin Iyo Israel Diyaar Uma Ahan In Ay Sameeyaan Nabad

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa uga digay Israel in deegaameysiga ay wado uu carqaladeeyo nabad-gelyada kala dhexeysa Falastiiniyiinta, waxa uuna ugu baaqay Israel in arintani ay ka digtoonaato.

Trump oo wareysi siinayay Joornaal ka soo baxa Israel ayaa cadeeyay in uu rumeysanyahay in Falastiin  iyo Israel aysan diyaar u aheyn in ay sameeyaan nabad.

hadal ka soo baxay Trump bishii tagtay ee December ayaa ka careysiiyay Falastiiniyiinta, ka dib markii  Qudus uu u aqoonsaday caasimadda maamulka Israel.

Sidoo kale Trump ayaa ku hanjabay inuu joojin doono kaalmooyinka uu siiyo Falastiin, haddii aysan soo fariisan miiska wadahadalka.

In ka badan 600 kun oo Yahuud ah, ayaa degan ku dhawaad 140 deegaameysi, kuwaasi oo Israel ay ka dhistay daanta galbeed iyo Qudusta bari tan iyo sanadkii 1967,waxaana lagu tiriyaa deegaameysigaan inuu yahay mid shacri darro  ah marka loo fiiriyo sharciga caalamiga ah.